2169 Views

Madaxa Gobolka Catalonia oo sheegay in maalmaha soo socda ay ka go’ayaan Spain inteeda kale

Madaxa Gobolka Catalonia oo sheegay in maalmaha soo socda ay ka go’ayaan Spain inteeda kale
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Todobaadkaani Goobo kooban oo katirsan gobolka Catalonia waxaa ka dhacay Doorasho ay sheegeen dadkii codeeyey in ay u codeeyeen in ay ka go’een Spain inteeda kale.

Madaxa Gobolka Catalonia Charles Puigdemont ayaa ku dhawaaqay in Xornimadada qaadashada Gobolka ay ku dhawaaqi doonaan maalmo maalmaha ka mid ah.

Boqor Felipe-ka Lixaad ee Spain ayaa Madaxda Gobolka Catalonia ku eedeeyey in aysan u hogaansamin Dastuurka Dalkaasi, sidoo kalane aanan ixtiraam u muujin Dastuurka Spain.

Boqolaal kun oo dadka degan dhulka Catalonia ayaa isugu soo baxay bannaanbaxyo ay ku muujinayeen in ay ka go’an tahay ka go’itaanka Spain, waxayna Dalbadeen in Xukuumadda Madrid ay tixgaliso aftida Madax banaanidooda.

Dibad-baxayada oo rabshado watay waxaa cambaareeyay Madaxda Spain, waxayna nasiib daro iyo dastuur jabin ku tilmaameen cod bixinta iyo dibad baxyada xigay, waxayna Xukuumadda Madrid ku baaqday in Dastuurka ay usoo laabtaan Dadka dega Gobolka dhaca Waqooyi Galbeed ee Spain.

Axadii todobaadkaan Gobolka Catalonia waxaa ka dhacay Goobo Kooban Aftida madaxda Banaanida Gobolkaa, madaxda Gobolkaaana waxa ay sheegayaan in marka la xaqiijiyo cod bixintii ay u qaadeen Catalonia ay ku dhawaaqi doonaan madax banaani.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment