2490 Views

Madaxweyne booqanaya wadam dhaca bariga Afrika.

Madaxweyne booqanaya wadam dhaca bariga Afrika.
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Madaxweynaha dalka Hindiya Ram Nath Kovind,ayaa waxaa ay booqasho uga billaabatay Waddamada Bariga Afrika waxaana uu ka billaabay Dalka Jabuuti oo uu hadda ku suganyahay.

Shalay oo Talaado ahayd ayuu ka soo degay Magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas,waxaana soo dhaweeyay Ra’isalwasaaraha dowladda Jabuuti C/Qaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweynaha Hindiya ayaa inta uusan tagin Qasriga Mafdaxtooyada Jabuuti waxaa uu booqday Bulshada Hindiya eek u nool Dalka Jabuuti, halkaas oo uu si kooban ugula hadlay.

Waa booqashada ugu horreysay ee uu madaxweynaha Hindiya ku tago dalka Jabuuti iyo bariga Afrika tan iyo markii uu xilka la wareegay Bishii July oo uu la wareegay Xafiiska, sidoo kalena waa mas’uulka ugu sarreya ee heerkaas gaarsiisan oo booqda dalalka Bariga Afrika sida Jabuuti iyo Itoobiya.

“Afrika waxaan ku dooranay waa halka hadda adduunka oo dhan isha ku hayo,waana halka uu mustaqbalka ku soo jeedi Caalamka, waxaana dowladda Hindiya ee hadda jirta u dooratay in ay xiriir wanaagsan la sameyso Afrika” ayuu yiri Neena Malhotra  oo ah xoghayaha Bariga iyo koofurta Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda dolwadda Hindiya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Kovind, waxaa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle waxaana ay ka wada hadli doonaan Ganacsiga iyo arrimaha kale ee muhiimka ah oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Xukuumadda Ra’islawasaare Modi waxaa ay dooneysaa in aysan ka harin halganka Caalamka ugu jiro Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya,sida ay dalalka Mareykanka, China,Turkiga, Germany, Japan  iyo France saaxiib ugu yeelanayaan dalalka Bariga Afrika eek ala ah Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Kovind, booqashadiisa Jabuuti kaddib waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Dalka Itoobiya Mulatu Teshome, waxaana ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dalalka Hindiya iyo Itoobiya waxaa ay ka simanyihiin nidaamka dowladnimo ee in Madaxweynaha yahay Xubin sharafeed, Ra’islawasaarahana awoodda fulinta leeyahay, sidoo kale labada dal waa Federaal.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment