2490 Views

Muwaadinkii Ka Dambeeyay Weerarkii Canada Oo La Sheegay In Laga Soo Masaafuriyay Mareykanka

Muwaadinkii Ka Dambeeyay Weerarkii Canada Oo La Sheegay In Laga Soo Masaafuriyay Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Waaxda socdaalka ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ninkii Soomaaliga aha ee lagu eedeeyay in uu dhawaan qaaday weerarkii loo adeegsaday Tooreyda ee ka dhacay Magaalada Edmonton ee dalka Canada in sanadkii 2011 lagu amray in laga masaafuriyo dalka Mareykanka oo uu ku noolaa.

C/laah shariif oo ah 30 jir ayaa bishii July ee sanadkii 2011 waxaa maxkamada ku taala Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ay amar ku bixisay in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Waxaana maxkamadu ayaa sheegtay in ninkaasi loo heysta danbiyo kala duwan oo lagu soo eedeeyay, balse bishii Novembar ee isla sanadkaasi ayaa waxaa lagu waayey danbi rasmi sida uu sheegay qareenka ka tirsan maxkamada San Diego.

Eedeysananahaasi oo dalka Canada qaxooti ahaan ku soo galay sanadkii 2012kii ayaa wahajay kiisas hore, iyadoo toddobaadkii hore uu weerar Toorey ah  ku qaaday afar ruux oo uu ku jiray nin Booliis, iyadoo sidoo kale gaarigiisa uu ku xirnaa calanka Kooxda Daacish.

C/laahi shariif oo hada ku jira gacanta ciidamada Booliska ee Magaalada Edmonton ayaa waxaa ku socda baaritaano, iyadoo lagu wado in dhawaan la hor keeno maxkamad.

Jaaliyadda Soomalida ee Gobalka Alberto ee dalka Canada ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen weerarka uu geystay eedeysanahaasi Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment