3735 Views

Sawiro:-Farmaajo Oo Gaaray Suudaan Kulana Laqaatay Madaxweynaha Dalkaasi

Sawiro:-Farmaajo Oo Gaaray Suudaan Kulana Laqaatay Madaxweynaha Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 —Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan.

Madaxweynaha iyo wafdi la socday waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan golayaashiisa Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa socdaalkooda waxa ay qaadan doontaa muddo labo cisho ah, waxaana dhigiisa Sudan ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan lahayd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka, iyagoo kala saxiixan doona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa la filayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi,islamarkaan uu uga warbixiyo horumarka ka jira Dalka.

001 0002 003

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment