5319 Views

Sawiro:-Shariif Xasan Oo Gaaray Magalada Baydhabo

Sawiro:-Shariif Xasan Oo Gaaray  Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 —Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay maanta magaalada Baydhabo ayaa qirey inuu jiro kala aragti duwanaan ka dhex jirta maamul goboleedka Koofurgalbeed iyo dowlada Federalka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii la soo dhaafay dalka ka maqnaa ayaa rajo ka muujiyay in la xalin karo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta arrimaha khaliijka qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka Soomaaliya iyo Dowlada Federalka.

Maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaa kamid ah maamulada ka soo horjeestey mowqifka ay dowlada federalka ka istaagtay arrimaha Khaliijka waxana uu Shariif Xasan Sheekh Aadan booqday dalka Imaaraadka Carabta oo inta badan dowlad goboleedyadu taageereen wadamada isbahaysiga la ah Imaaraadka.

Hase yeeshee waxaa isa soo taraya cadaadiska ugaga imanaya Madaxweynaha dowlad goboleeedka Koofurgalbeed qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed kuwaasoo ku hanjabay inay mooshin ka dhan ah Shariif Xasan ay geyn doonaan baarlamaanka.

Ku kala aragti duwanaanshaha dowlada Federalka iyo Maamul goboleedyada arrimaha Khaliijka ayaa sababay in uu khilaaf dhex  abuurmo maamul goboleedyada waxaana ugu dambeeyay dowlad goboleedka Galmudug oo haatan qalqal siyaasadeed oo xoog leh ka jiro.

m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7 m8

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment