4353 Views

Gabar Soomaali ah oo lagu weeraray dalka Canada

Gabar Soomaali ah oo lagu weeraray dalka Canada
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 — Gabar Soomaali ah ayaa lagu weeraray Magaalada Edmonton ee Dalka Canada kaddib markii tobaadkan Nin Soomaali ah uu dhaawacay shan Qof isaga oo gaari jiirsiiyay.

Nuurto C/Raxmaan oo wadatay Gaari ayaa waxaa istaajiyay Nin caddaan ah,waxaana uu u geystay Aflagaaddo iyo isaga oo ku yiri “waxaad tahay Argagixiso waana in aad u laabataa dalkaagii”.

Booliska Edmonton ayaa sheegay in Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 Jir ah uu Gaari dardarsiiyay koox dad ah islamarkaana shan qof dhaawac u geystay.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Shariif Gaariga uu watay laga helay Calanka Ururka Daacish ee Ciraaq iyo Syria ka dagaallama.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha oo ka dhisan Edmonton ay soo gaartay 2 farriin oo Cabasho ah kana timid Haween Muslim ah oo ka cabanaya Ragga aan Muslimka ahayn ee Canada.

Cabdullahi Xasan Shariif ayaa shalay la soo taagay Maxkamad iyada oo kiiska dacwaddiisa uu ka duwana kii Booliska ay sheegeen ee argagixisanimada,waxaana Xasan lagu eedeeyay in uu doonayay in uu geysto dil Bareer ah.

Soomaalida Edmonton,ayaa qabsaday Qareen Muslim ah oo ka caawiya kiiska Cabdullahi waxaana uu Qareenkaas ku guuleystay in Dacwadda Cabdullahi dib loo dhigo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment