3516 Views

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Somaliland

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 05, 2017 —Waddamada Beesha Caalamka ee Tageera Somaliya ayaa Ergooyin ka mid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Guddiga doorashada madaxtinimada Somaliland iyo saddexda musharrax ee u taagan doorashada Somaliland ka dhaceysa 13-ka Bisha November ee soo socota.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ay ku boorriyeen dhinacyada ay quseeyso Doorashada Somaliland,Siyaasiyiinta,Ururrada Bulshada Rayidka iyo Axsaabta Mucaaridka ah in la ilaaliyo hay’daha dowliga ah ee jira islamarkaana lagu talagalo doorasho xasilooni ku dhamaata.

Wakiillada Midowga Yurub,iyo Waddamada kala ah Mareykanka Bilguim ka,Denmark,Finland,France,Sweden,UK,Holand iyo kuwo kale ayaa tagay magaalada Hargeysa,waxaana ay baaq u jeediyeen cidkasta oo ay quseeyso doorashada Somaliland.

llll

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment