2739 Views

Booliska Talyaaniga Oo Xiray Somali iyo Talyaani Hub Kontorabaan ah Waday

Booliska Talyaaniga Oo Xiray Somali iyo Talyaani Hub Kontorabaan ah Waday
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 05, 2017 —Booliska Dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay Shabakad sharci darro ah oo Hubka si sharci darro ah uga ganacsata.

Boolisku waxa aay gacanta ku dhigeen 3; Qof oo Soomaali ah iyo Qof Talyaani ah kuwaas oo ahaa Muqallasiin Hub sharci darro ah ku guro Soomaaliya.

Raggan la qabtay ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin Hay’ad si aan sharci ahayn Hubka uga ganacsata islamarkaana u gudbisa Soomaaliya.

Booliska Talyaaniga waxaa ay intaas ku dareen in Shabakaddan ay Xafiisyo ku leedahay magaalooyin badan oo ka mid ah Gudaha Talyaaniga waxaana ka mid ah Tuscany, Campania, Calabria, Emilia-Romagna iyo Sicily.

Shabakaddan ayey sheegeen in ay leedahay Gaadiika Badda ee Maraakiibta,Baabuurta Xamuulka ah iyo agabyada kale ee loogu talagalay in lagu qaado Hubka islamarkaana loogu ganacsado.

Raggan ayaa laga soo xiray Magaalooyinka Florence, Pisa iyo Trapani ee Dalka Talyaaniga,waxaana markii hore la helay xigta arrintan iyada oo kaddibna iyaga la isku raadiyay sidaasna xabsiga lagu dhigay.

Raggan ayey Boolisku sheegeen in ay ku wareejin doonaan Laanta Garsoorka Dalka Talyaaniga si loogu qaado dambiga lagu soo eedeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment