3003 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo La kulmay Wakiilka Q.M ee Somaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo La kulmay Wakiilka Q.M ee Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 05, 2017 —Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating.

Labada dhinac ayaa isku soo qaaday xiriirka maamulka Hirshabeelle iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sidii ay u dhexmari lahayd wada shaqeyn toos ah.

Kulanka ayaa sidoo kale la iskula sooq aaday taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sidii Maamulka Hirshabeelle uu uga heli lahaa dhankiisa.

Danjire Micheal Keating,ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay la dhacsan tahay qaabkii ay u dhacdauy doorashada uu ku soo baxay maxamed Cabdi Waare oo beddelay Cali Cabdullahi Cosoble.

Waxaa uu Micheal Keating, ballan qaaday in Xafiiskiisa uu Maamulka Hirshabeelle ka caawin doono adeegyada ay qabato Qaramada Midoobey ee ka socda Soomaaliya,waxaana uu ugu dambeyn uga hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii 16kii Bishii hore ka dhacday Magaalada Jowhar.

Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu Micheal Keating, iyo wakiillada Beesha Caalamka ku casuumayaa ka qeybgalka munaasibadda Caleemsaarkiisa oo la qorsheeyay in 16ka Bishan ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment