2745 Views

Sawiro:-Wasiirka Dhalinyarada Somaliya Iyo Kan Suudaan Oo Kulan Ku Yeeshay Isla Wadankaasi

Sawiro:-Wasiirka Dhalinyarada Somaliya Iyo Kan Suudaan Oo Kulan Ku Yeeshay Isla Wadankaasi
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 05, 2017 — Kulanka ay wada qaateen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim oo uuna goobjoog ka ahaa Uqeybasanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane FiidowMaxamuud Fiidow ayaa waxay ugu wada hadleen sidii la iskiiga kaashan lahaa hormarinta isboortiga ee labada Dowladood iyagoona Wasiiradda sharaxaad kooban ka siisay Wasiirka hormarka isboorti ee ku tilaabsatay Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim ayaa aad u soo dhaweyay Wasiiradda asigoona sheegay inay diyaar u yahiin wax walba oo ay ku caawin karaan Walaalahood Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa booqatay garoon kubada cagta ah oo ay Dhisma ku socotay iyadoona ku soo wareegtay dhamaan gudaha garoonka, intaa ka dib Wasiiradda ayaa Saxaafadda kula hadashay gudaha garoonka.Cood

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inuu heshiis dhex mara labada Wasaaradood Soomaaliya iyo Suudaan

 

7 2 3 4 5 6 1

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment