2916 Views

Faarax Macallin Oo Loo Oggolaaday Dib u Eegista Natiijada Doorashadii Gaarisa

Faarax Macallin Oo Loo Oggolaaday Dib u Eegista Natiijada Doorashadii Gaarisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 –Maxkamadda sare ee Dalka Kenya ayaa ka oggolaatay Faarax Macallin in dib u eegis lagu sameeyo natiijada doorashadii isaga looga adkaada ee la dhacday  Gaarisa,taas oo uu ku guuleystay Aadan Barre Ducaale hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.

Doorashadii dhacday 8ddii August ayuu Faarax Macallin ka mid aha dadkii ugu horreeyay ee dacwad gudbiya waxaana ay Maxkamadda go’aamisay in aan doorashada dib loogu laabaneyn laakiin Faarax loo fasaxayo in guddiga doorashada u baaraan sanaadiiqda Codadka,natiijada iyo hanaankii kale ee doorashada la marsiiyay.

James Orengo iyo Daniel Maanzo oo ka mid ah Xeer beegtida Maxkamadda uga wakiilka ah doorashada Gaarisa ayaa sheegay in Qareennada u doodayay Faarax Macallin isku afgarteen in iyada oo goobjoog ay wadayihiin la baaro hanaankii ay u dhacday tirinta Codadka.

Waxaa ay sheegeen in Qareennada Faarax iyo Xeer beegtida Maxkamadda isla garteen in aan dib loogu laaban doorashada maaddaama kiiska doorashada xasaasi yahay sidaas darteena ay tahay in la ilaaliyo amniga degaanka iyada oo baaritaanka natiijadana waxii ka soo baxa loo gacan gelinayo guddiga doorashada kaddibna ay dhan u ridayaan arrintaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment