3696 Views

Sawiro:-Markab ay Hindiya Leedahay Oo Burcad Badeed Ka Badbaadiyay Markab Ganacsi

Sawiro:-Markab ay Hindiya Leedahay Oo Burcad Badeed Ka Badbaadiyay Markab Ganacsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 –Ciidamada Badda dalka Hindiya ayaa shalay oo jimco ahayd Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ka badbaadiyay Markab ay Ganacsi oo ay leedahay dowladda Hindiya kaas oo ka soo baxay Dalka Romania kuna sii jeeday Dalka Sucuudiga.

Markabka Ganacsi ayaa codsi u diray Markabka Xeebaha Cadmeed jooga ee Hindiya leedahay,kaas oo durba ku soo baxay Markabka la weeraray.

Kooxda weerarka geystay ayaa lagu sheegay in ay isku dayeen in ay qafaashaan Markabka iyo12 qof oo shaqaalaha Markabka ah,waxaana ay mar ku sigteen in ay gudaha u galaan Markabka ilaa uu Markabka dagaalka ee Hindiya ay rasaas is weydaarsadeen sidaasna uga tageen Markabkii Ganacsi.

Marcos oo ah Taliyaha Ciidamada Hindiya ee howlgalka badbaadada ah sameeyay ayaa sheegay in Burcad Badeedda ay kala hareen Qoryo AK47,ah,Raashin,Jaakaado,Caagag ay ku wateen shidaal iyo agab kale oo ay ku tuureen gudaha Markabka ay doonayeen in ay la wareegaan.

Waxaa uu sheegay in Markabkan oo ka soo baxay Dalka Romania ku sii jeeday Madaalada Dekadda leh ee Jubail ee Dalka Sucuudiga,isaga oo ku jiray safar 12 Saacadood ah.

Waa markii saddexaad oo markab laga leeyahay Hindiya badbaadinayo Markab Ganacsi oo maraya Xeebaha Soomaaliya ama gacanka Cadmeed,kaas oo weerar kala kulmay kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah.

aaaaaaa as eeee qq wwwww

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment