2775 Views

Shaqa Joojin Maanta Laga Sameeyey Magalada Muqdisho

Shaqa Joojin Maanta Laga Sameeyey Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 –Macalimiinta Jaamacadda Umadda ayaa saaka sameeyay shaqo joojin, iyadoo ay istaagtay waxbarashadii Jaamacadda, kaddib markii ay cabasho ka keeneen mushaar la’aan heysata muddo lix bilood ah.

Qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda ayaa sheegay in markii saaka ay Fasalada galeen aysan u soo gelin wax macalimiin ah, isla markaana ay muddo saacado fasalka ku jireen ay bilaa macalin fasalka fadhiyeen.

Ardayda oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in markii ay la xiriireen Macalimiinta ay u sheegeen in aysan qaadan wax mushaar ah.

“Saakay markii aan tagnay Jaamacadda oo aan fasalada galnay wax macalin ah nooma soo gelin, saacado ayaa fadhinay, kaddib ayaa la xiriirnay macalimiinta waxay noo sheegeen in aysan mushaar qaadan, ayna joojiyeen shaqada illaa amar dambe”ayuu yiri mid ka mid ah Ardayda Jaamacadda.

Prof. Ciise Maxamuud Xalane oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda ayaa sheegay in illaa inta cabashadooda la xiriirta mushaarka iyo xuquuqda ka maqan aysan Fasalada geli doonin

Maamulka sare ee Jaamacadda Umadda ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan cabashada macalimiinta, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ay Jaamacadda hoos-tagto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment