2259 Views

Shir Looga Hadlayo Xagjirnimada Oo Ka Furmay Muqdisho

Shir Looga Hadlayo Xagjirnimada Oo Ka Furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 –Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi  Maxamed Guuleed iyo danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Andreas Von Uexkull,ayaa xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo xakameynta xagjirnimada.

Shirkan waxaa ka qeyb gelaya Wakiillo ka socda beesha Caalamka sida in kabadan 10; Safiir oo fadhigoodu yahay Muqdisho.Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,Wasiirro iyo XIldhibaanno ka tirsan Goolaha shacabka iyoa qalka sare ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay iska kaashanayaan dowladd Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Sweden ayaa lagu falanqeynayaa sida wax looga qaban karo xagjirnimada.

Qodobada ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah in dhallinyarada laga wacyi geliyo ka midnoqoshada xagjireynta,in ay helaan fursado shaqo oo ka baajin kara meelaga qaar iyo Qodobbo kale.

Dhamaaadka Shirkan oo ay dhinacyo badan oo ay AMISOM ka mid tahay ka qeyb gelayaan ayaa la filayaa in laga soo saaro WarMurtiyeed la xiriira waxyaabihii shirkaas la iskula soo qaado.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment