2853 Views

DEG-DEG:-Xildhibaano Goordhow Lagu Rasaaseeyey Magalada Jowhar

DEG-DEG:-Xildhibaano Goordhow Lagu Rasaaseeyey Magalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  08 Oktoobar, 2017 –Wararka Aan Ka Helayno  magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Hirshabelle oo saarnaa gaari nooca raaxada ah uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada milatariga bartamaha magaalada Jowhar.

Mid kamid ah labada xildhibaan oo magaciisa lagu sheegay Faarax Maxamed Cismaan”Gacaney” ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray halka xildhibaanka kale Maxamed Yuusuf Colow  aysan waxba ka soo gaarin rasaasta lagu furay gaariga.

Askariga rasaasta ku furay gaariga ay saarnaayeen xildhibaanada ayaa haatan ku xiran saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Xildhibaan Maxamed Yusuf Colow oo u waramay jowhar.com ayaa sheegay inuusan fahmi karin sababta uu askariga la doonayay in uu sugo amnigooda uu rasaasta ugu furay.

Waa markii ugu horeysay ee xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle lagu dhaawaco magaalada Jowhar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment