2406 Views

Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Oo Lagu Eedeeyay In Uu Iska Horkeeynayo Madaxda Maamul Goleedyada Iyo Dowladda Dhexe

Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed  Oo Lagu Eedeeyay  In Uu Iska Horkeeynayo Madaxda Maamul Goleedyada Iyo Dowladda Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  08 Oktoobar, 2017 –Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyay in uu iska horkeenayo madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe, xilli haatan uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowlad Goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo Magaaladaasi Kismaayo, iyadoona la sheegayo in madaxweyne Shariif Xasan dano gaar ah uu ka leeyahay arrimaha shirkaasi.

Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo la hadlay  Qaranim Online ayaa sheegay in xildhibaanadii ugu badneyd ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ay Mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaana uu ku dhaliilay wax qabad la’aan iyo in uu ka fashilmay Hoggaanka maamulkaasi Koonfur Galbeed.

Sidoo kale xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweyne Shariif Xasan uu Kismaayo u aaday dano gaar ah, isagoo carabka ku dhuftay in dano Siyaasadeed uu ka leeyahay shirka Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan ku sugan Magaalada Kismaayo, iyadoona maanta la filayo in ay gaaraan madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle, si ay uga qeyb galaan shirka ka furmaya Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment