2655 Views

Ra’islawasaare Kheyre Oo La Kulmay Guddiyada Dastuurka iyo kan Baarlamaanka

Ra’islawasaare Kheyre Oo La Kulmay Guddiyada Dastuurka iyo kan Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  08 Oktoobar, 2017 – Xasan Cali KHayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu kulan gaar ah la yeeshey guddoonka aqalka sare,iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira sidii looga wada shaqeyn lahaa dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Intaasi kadib ayaa Ra’iisul Wasaare Khayere waxaa uu la kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan,mudadii uu socday kulankooda ayaa waxaa ay diiradda ku saareen sidii Wasaaradda Dastuurka iyo guddiyadda arrimahaasi qaabilsan ay uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Guddomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahiyaya waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi.

“Waxaan maanta la kulanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka wada hadalnay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaaha dib u eegista Dastuurka,waa la isku afgartay arrintaasi”, Ayuu yiri Guddomiye Cabdi Qeybdiid.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirweynihii Qaran ee arrimaha Dastuurka oo la filayay in uu maanta ka fumro magaalada Muqdisho sababo farsamo aawadeeda.

pppppppppppppppppp llllllllllllllllll

nnnnnnnnnnnnnnnn

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment