3114 Views

Sawiro:-Madaxweynayaasha Galmudug Iyo Hirshabelle Oo Gaaray Kismaayo

Sawiro:-Madaxweynayaasha Galmudug Iyo Hirshabelle Oo Gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele “Xaaf” iyo madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi “Waare” ayaa maanta gaaray Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo uu dhawaan ka furmi doono shir u dhexeeya madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana madaxdaasi si diiran Magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam “Axmed Madoobe”, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Saacadaha soo socdo la filayaa in uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi Jubbaland madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, si uu qeyb uga noqdo shirkaasi.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah aya ala filayaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay khilaafka haatan u dhexeeya madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana qabanqaabada iyo Gogol dhiga shirka iska leh madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada. Dhanaka Kale Waxaa Goordhow Isla Kismaayo Gaaray

 

hhh iiiiiiiiii iuuu kkkk  ooooooo ppp

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment