2454 Views

Doon la dagtay 12 ruux oo muslimiinta Rohingya ah

Doon la dagtay 12 ruux oo muslimiinta Rohingya ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  09 Oktoobar, 2017 – Ugu yaraan 12 ruux ayaa dhintay ka dib markii ay dagtay doon ay saarnaayeen dad ka soo jeeda qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah, kuwaas oo ka cararayay dhibaatada ka taagan Myanmar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doontaasi waxay ku dagtay meel u dhaw dalka Bangladesh.

Dad kale ayaa la la’yahay ka dib markii ay arrintaasi ka dhacday wabiga Naf, Axaddii.

Waxaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay boqol ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen carruur.

Dad qawmiyadda Rohingya u dhashay ayaa horay u dhintay iyaga oo isku dayaya in ay u tallaabaan dhanka dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh, iyadoo milatariga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee saarnayd doonta Axaddii dagtay, iyadoo askarta xuduudaha ee Bangladesh ku qiyaaseen tiro is khilaafsan oo 40 ilaa 100 ah.

Saraakiishuna waxay sheegeen in illaa iyo hadda ay heleen maydadka 10 carruur ah haweenay iyo nin.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment