2631 Views

R.Wasaare Kheyre oo ka qaybgalay kulan Muqdisho xalay lagu qabte

R.Wasaare Kheyre oo ka qaybgalay kulan Muqdisho xalay lagu qabte
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  09 Oktoobar, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Mudane Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

01 02 03 04 05 07 08 09 10 11

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment