2880 Views

Sucuudiga oo kumanaan Imaam Masaajid u ceyriyay xagjirnimada

Sucuudiga oo kumanaan Imaam Masaajid u ceyriyay xagjirnimada
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  09 Oktoobar, 2017 – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay Shaqada ka ceyrisay Kumanaan Imaamyo Masaajid ah oo ay ku eedeeysay xagjirnimo,Argagixisanimo iyo ku talax tag diimeed.
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubeyri ayaa wariyayaasha ugu sheegay Magaalada Moscow ee Dalka Ruushka in Kumanaan Imaam laga ceyriyay Masaajidka kaddib markii lagu arkay fikradaha xagjirnimada iyo naceybka Bani’adamka.

Wasiirku waxaa uu dowladda Qadar ku eedeeyay in ay maal geliso argagixisada,sidoo kalena adeegsato Barabagaando warbaahineed,iyada oo faro gelin ku sameysa arrimaha gudaha Waddamada kale,waxaana uu intaas raaciyay in ay go’doonka ku sii jiri doonto inta ay buuxineysoi shuruudaha ay hordhigeen.

Imaamyada ayuu ku eedeeyay in ay baahinayaan fikradaha xagjirnimada,naceybka iyo xumeynta dadka kale,waxaa kale oo uu Moscow ka sheegay in Dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto hannaanka Waxbarashada dalkaas oo uu sheegay in ay dowladda wax badan ka qaban doonto.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment