4404 Views

Todobaadka dhaqanka Soomaalida oo lagu soo gaba gabeeyay Nairobi

Todobaadka dhaqanka Soomaalida oo lagu soo gaba gabeeyay Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  09 Oktoobar, 2017 – Xarunta Dhaqanka ee Kenya waxaa maalmahani ka socday bandhiga todobaadka dhaqanka oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen Soomaali badan oo ku nool wadanka Kenya debshidka oo galay sanadkii 3 aad waxaa lagu soo bandhigay qeyb kala duwan oo dhaqanka Soomaalida ka turjumayo sida Buugaag ,Dhar laga sameeyay Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida , Cunooyinka Soomaalida ay is ticmaalaan sida kuwa ka soo go’a wadanka.

VVVVVVVVVVVVV

Todobaadka Dhaqanka waxaa lagu Soo badhigay Suugaanta Soomaalida Sida Wilisaqada , Dhaantada ,Heeso ,Sheekooyin , sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Doodo lagu gorfeeyay arrimaha dhaqanka iyo dhaqaalaha , Xarunta Cilmi Baarista ,Dhaqanka iyo Akhrista ee Aw-Jaamac Cumar ayaa barnaamijkan soo qaban qaabisay .

Dabshida dhaqanka oo socday muddo Afar maalin ah waxaa Xarunta Aw -Jaamac ka Caawiyay qeybo ka mid ah shirikadaha Soomaalida oo ay ugu Horeyso Horumuud , Takaaful ,iyo sidoo kale Safaaradda Switzerland qeybta ka shaqeyso dhaqanka.

Fardowsa Jaamac oo ah Maamulka Xarunta ,Aw-jaamac Cumar ayaa tiri “ Sanadkan wax badan ayuu nooga duwanaa sanadkii hore sababta oo ah waxa aan helnay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo diyaar u ah horumarinta dhaqanka , waxaa sanadihii hore dhici jirtay in dadka Kenyanka ah ay sheekooyinka Soomaalida akhriyaan ka dib ay iyaga dadka u sii akhrinyaan balse sanadkan inaga ayaa sameynay sidaasi.

Mar aan wax ka weydiiyay haddii ay caawimaad ka heleen dowladda Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee Kenya waxa ay tiri “waxaa noo yimid Wasiir Jamaal balse waxa aan dhowr mar Casuumaad u dirnay safaarada Soomaaliya ee Kenya gaar ahaan safiirka ma uusan noo imaanin taasina ma garan karno sababta ay ku dhacday”.

Ka sokow Fardowsa Jaamac dhalinyaradii ka soo qeyb gashay ayaa aad u bogaadiyay howsha quruxda badan oo qeybka mid ah dhalinyadan iyo Xarunta ay isla wadaan waxa ayna sheegeen in ay xoojin doonaan dhaqankooda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment