2700 Views

Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Masar Oo Qadka Talefanka Kuwada Hadalay

Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Masar Oo Qadka Talefanka Kuwada Hadalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay oo isniin ah khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisis, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo la xiriira iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

Sida ay qoreen warbaahinta Masar Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in xiriir Taleefan ah uu la sameeyay dhiggiisa Masar, waxaana Madaxweynuhu uga mahadceliyay Masar doorkeeda taageerida Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka hadlay qaababka lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu dib u eegay horumaradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya laga gaaray, tallaabooyinka ay qaadeen Xukuumadda, si dib loogu soo celiyo amaanka iyo xasiloonida dalka iyo in laga gudbo caqabadaha hortaagan, gaar ahaan argagixisada.

Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisis ayaa sheegay in Masar ay ka go’an tahay in ay wax ka qabato dhinacyada kala duwan ee xiriirka labada dal, isagoo sheegay in Masar ay sii wadi doonto taageerada farsamo iyo sidoo kale dadaalkeeda ah in ay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa hay’adaha dawladda iyo dib u soo celinta ammaanka iyo xasiloonida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii August ee sanadkan booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo wada hadalo dheer ah yeeshay labada Madaxweyne, waxayna wada gaareen heshiisyo iskaashi oo dhiancyo kala duwan ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment