3105 Views

Waqtiga Loo qabtay Guddiga Loo Saaray Kiiska Qalbi-dhagax Oo Maanta ku eked

Waqtiga Loo qabtay Guddiga Loo Saaray Kiiska Qalbi-dhagax Oo Maanta ku eked
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 –Golaha shacabka Soomaaliya ayaa bishoo hore waxaa ay Guddi u saareen dhiibista Dowladda Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax una dhiibtay dowladda Itoobiya.

Guddigaas ay golaha shacabka u saareen kiiskan ayaa loo qabtay in ay baaritaankooda ku soo dhameeyaan ka hor 10ka October oo maanta ku beegan islamarkaana maanta la wadaagaan Golaha shacabka iyo ummadda Soomaaliyeedba natiijada baaritaankooda.

Kulanka Golaha shacanka ee uu Guddiga ku soo bandhigi lahaa ayaan maanta jirin,taas oo iyadana waji kale u yeeleyska Kiiskan,maaddaama Xukuumadda dhowrjeer baajisay Kulanka Baarlamaanka oo Ajendihiisu ka mid ahaa arrinta Qalbi-dhagax.

Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Soomaaliya uusan hadda ku jirin fasax kana maqanyahay shaqada taas oo laftirkeeda u baahan in wax la iska weydiiyo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa Isha ku haya natiijada Guddigaas ay soo saari doonaan iyada oo Xukuumadda Soomaaliya horay u sheegtay in dhiibista Qalbi-dhagax u martay sharci ay ku heshiiyeen dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo ay dhinaca Soomaaliya u saxiixday dowladdii midda hadda ka horreysay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment