2469 Views

Warbixin :-Shaki Ceenkeebaa Laga Qabaa Shirka Ka Soconaya Kismaayo ?

Warbixin :-Shaki Ceenkeebaa Laga Qabaa Shirka Ka Soconaya Kismaayo ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 – Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah federaalk. Shirkan kama qeybgalayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo BBC-da uga waramay ajandaha shirka uu yahay in “Madmadoow ka dhashay dhanka dowladdii Federaalka ee Soomaaliya lagu turxaan bixiyo, oo laga wada hadlo inta aan gacmo kale iyo cid kale aysan arrinta gaarin, waxaana gogol fidiyay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, waana la isugu yimid”.

Waa madmadoowgaas uu sheegay wasiirka waxa dhaliyay shaki balaaran oo laga qabo shirkan iyo waxa kasoo bixi kara, sida uu sheegayo Xasan Xayle oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ay BBC-da weeydiisay aragtidiisa shirkan ku aaddan.

“Shirka shaki badan ayaa laga qabaa, Soomaalida oo dhan waxay u aragtaa armuu shirkan qas keenaa, oo la leeyahay dabkii holcayay armuu baansiin kusii shubaa. Dowladda lafteeda shaki badan ayay ka qabtaa,” ayuu yiri Xayle.

Waxaa gogosha dhigay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in murankii ka dhashay moowqifka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay ka kala qaateen arrimaha khilaafka khaliijka, loo baahanyahay in laga gaaro isfaham dhab ah.

Xasan Xayle ayaa dhanka kale rajo ka muujinaya cidda shirka martigalisay “Dabeecadda maamulka Jubbaland, gaar ahaan madaxweynaha Axmed Madoobe. Dadka qaarkood waxay leeyihiin maamul goboleedyada kale wuu ka jecelyahay danaha dalka, mana la keeni doono wax sii kala burburinaya Soomaaliya. Laakiin shakiga wuxuu ka jiraa dhanka maamul goboleedyada qaarkood oo dowladda ku ah lid”.

Dowladda federaalka wali kama aysan hadlin shirka, aamusnaanteedana waxaa loo fasiranayaa diidmo, sida ay qabaan dadka siyaasadda falanqeeya.

Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxweynaha xilkiisa lagu muran sanyahay ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dowladda ay aqbashay xil ka qaadis ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka Galmudug. Dowlad goboleedyada qaar ayaa ka horyimid xil ka qaadistaas.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa ku baaqay in arrinta Galmudug wadahadal laga xalliyo. Dowladdana wuxuu u sheegay in ay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha taagan.

Wuxuu dhanka kale dowladda ku eedeeyay in “ciidamada federaalka ee gobollada dhexe u adeegsatay in ay isaga xiraan,” balse uu ka badbaaday, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda federaalka ayaan arrintaa weli ka hadlin.

Khudbadihii madaxda ay ka jeediyeen furitaanka shirka waxay ahaayeen kuwa si guud ay uga hadlayeen xaaladda dalka ka taagan, waxayna sheegeen in shirka uusan ahayn mid dowladda federaalka looga soo horjeedo, balse yahay mid danta dalka looga tashanayo.

Balse xiliga uu shirka kusoo beegmay iyo sida uu yahay dareenka siyaasadeed waxaa cabiraya Xasan Xayle oo yiri: “Waxay u egtahay in dhufeys la isu galay labada dhinac oo la jabhadaynayo, waxaanna aragnaa in abaabulka xoog siyaasadeed uu meesha ka socdo. Dowladda shaki ayay qabtaa, mana la casuumin. Hadduu shirka mid fiicanyahay waxaa dowladda la siin lahaa door ah in ay kor joogto ka noqoto”.

Qodobada la’isku hayo waxaa ka mid ah awoodaha uu dastuurka kala siinayo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyad, waxaana xusid mudan in shir weyne ku saabsan dib u eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmi lahaa ay diideen in ay ka qeybgalaan dowlad goboleedyada.

Sidoo kale labada guddi ee arrimaha dastuurka qaabilsan ee kan baarlamaanka iyo midka madaxa banaan ayaa sheegay in aanan lagala tashanin shirka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga wardhawrayaa waxa kasoo baxa shirka Kismaayo iyo sida dowladda dhexe ay uga falceliso.

XIGASHO: BBCSOMALI

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment