3033 Views

Xildhibaanno Ka mid ah Golaha Shacabka Oo Ku Biiray Baarlamaanka Pan-Afrika

Xildhibaanno Ka mid ah Golaha Shacabka Oo Ku Biiray Baarlamaanka Pan-Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 – 4; ka mid ah XIldhibaannada Golaha shacabka ayaa shalay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika ee ay xubnaha ka yihiin Baarlamaannada Dalalka Afrika.

Shirkan oo shalay ka furmay Magaalada Johannesburg ee dalka South-Africa.waxaa furay Madaxweynah Dalka Koofur Afrika Jocob Zuma,waxaana ka qeyb galay XIldhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaankan ee ka socda Baarlamaannada Qaaradda Afrika.

Magacyada XIldhibaannada ku biiray Baarlamaanka Pan-Afrika ayaa kala ah; Xildhibaan  Lutfi Shariif Maaxamed,Xildhibaan C/Xakiin Macallin Axmed,Xildhibaan Idiris Cabdi Taqtar iyo Xildhibaanad Yaasmiin Xuseen Maxamed.

Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay hoolka uu kulanka ka socday waxaana dhaartaas marayay Xildibaanno ka socday Dalka Lesotho,kuwaas oo yina lagu dhaariyay kulanka 5aad ee Fadhiga Baarlamaanka Afrika.

Xildhibaannada Soomaalida ah ee Afarta ah,waxaa  ay Baarlamaanka Soomaaliya ku matali doonaan Baarlamaanka Qaaradda Afrika ee fadhigiisu yahay Dalka Koofur Afrika.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment