2907 Views

Ciidamada Amaanka oo gacanta ku soodhigay gaari laga dhacay nin lagu dilay duleedka Magalada Muqdisho

Ciidamada Amaanka oo gacanta ku soodhigay gaari laga dhacay nin lagu dilay duleedka Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  12 Oktoobar, 2017 – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda ayaa xalay howl gal qorsheysan ka sameeyay duleedka Muqdisho, iyagoo baadigoobayay gaari uu lahaa nin ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Baydhabo oo habeen hore lagu dilay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Wararka ayaa sheegaya in howl galkan uu xooggiisa ka socday wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ciidamada ay isku hareereeyeen deegaanka Garasbaaley, Sarkuusta illaa Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Intii howl galka socday ayay ciidamada ku soo qabteen dhalinyaro fara badan, lama oga inay yihiin kuwii qaatay gaariga iyo in kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen gaari nooca loo yaqaano Spacio oo uu lahaa ninkii habeen hore la dilay oo lagu magacaabayay Cabdi Nuunow.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/llaahi ayaa sheegay in ciidamada ay u suura gashay inay gacanta ku dhigaan gaariga, isla markaana uu haatan socdo baaritaanka.

Howl galkan ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa oo ay ciidamada ku soo qabtaan gaari laga qaatay nin la dilay, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ciidamada wadeen howl galada lagu xaqiijinayay amniga Caasimada, kaasoo wax badan ka bedelay xaalada magaalada.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment