2601 Views

Ciyaaryahankii Hore ee Liberia Oo Ku Guuleystay Madaxtinimada Dalkaas

____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  12 Oktoobar, 2017 – George Weah Ciyaaryankii hore ee Kooxaha Chelsea,Man City iyo AC Milan ee Dalalka Ingiriiska  iyo Talyaaniga ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dalka Liberia kaddib doorasho dalkaas ka dhacday 10kii Bishan October.

Weah waxaa uu ka guuleystay Ninka aad loogu saadaalinayay doorashada ee hadda ah Madaxweyne ku xigeenka Dalka Liberia Joseph Boakai .

Waxaa uu beddeli doonaa Haweeneydii ugu horreysay ee Qaaradda Afrika dal ka mid ah madaxweyne ka noqota oo ah Elen Johnson Sirleaf,taas oo 12kii sano ee la soo dhaafay heysay xilka Madaxweynaha Liberia.

40% Codadka doorashada ee la dhiibtay ayaa u muuqda in uu si weyn ugu horreeyo Mr Weah,waxaana Guddiga doorashada heystaan ilaa 25ka Bishan in ay ku dhawaaqaan guuleystaha ama ay doorasho labo qof oo kali ah dhacdo,kuwaas oo ah labada qof ee ugu codka badan wareegga 1aad.

mmmmmmmmmmmm

Madaxweynaha cusub ee Liberia ayaa Sanadkii 1995kii ku guuleystay abaalgudka Caalamiga ah ee Ballon d’Or  ee xidda ugu fiican Sanadkan dhinaca Kubadda Cagta Caalamka.

Xiddigaha kale ee Kubadda Cagta ciyaari jiray Siyaasaddana ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Pelé iyo  Zico,oo soo noqday Wasiirrada dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

ccccc

Filo wixii soo kordha

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment