3759 Views

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo is casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 12, 2017 – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cirfiid ayaa is casilay, kadib kulankii maanta Golaha Wasiirada oo ay ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo goor dhow soo gaba gaboobay.

Gen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa booskiisa loo magacaabay Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa ahaa Col. Pilot ah, xilligii dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu Wasiirka Dekedaha ka noqday dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay labadan masuul in ay isku casileen arrimo shaqsiyadeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment