2955 Views

52 Somali ah Oo Dad Tahriibinayay axaabay Oo La Xiray

52 Somali ah Oo Dad Tahriibinayay axaabay Oo La Xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 October 2017 – Booliska gobolka Rhodes ee waqooyiga dalka Giriiga ayaa xiray laba muwaadiniin oo reer Bulgarian ah oo lagu helay dambi ah in ay Tahriibinayeen 54 Muhaajiriin sharci darro ah, oo 52 ka mid ah ay yihiin Soomaali.

Labada nin oo Da’doodu tahay 38 iyo 36 ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo ah in si sharci daro ay u Tahriibin jireen dadka, kadibna ay ka qaadan jireen lacago cadadooda ay badan tahay.

Booliska sidoo kale intii ay ku guda jireen howlgalkii raggan lagu soo qabanayay waxay kaloo gacanta ku sii dhigeen laba baabuur, 100 euro oo lacag ah iyo Shan telefoon oo gacanta ah.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Rhodes ayaa codsaday in si deg deg ah raggan Maxkamad loo soo taago, si loogu qaado dambigii ay galeen, ciqaabtoodana ay u arkaan.

Sannadkan horraantani laba tuhmane, oo sidoo kale ka yimid Bulgaria, ayaa lagu xiray isla gobolkaas, kadib markii lagu helay dambiga ah ka ganacsiga dadka, markaas oo la qabtay 14 Tahriibayaal ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment