2670 Views

Madaxweyne Haadi Oo Sheegay In Soomaalida Wadaankaasi Ay Ula Dhaqmidoonaan Sida Muwaadiniintoodoo kale

Madaxweyne Haadi Oo Sheegay In Soomaalida Wadaankaasi Ay Ula Dhaqmidoonaan Sida Muwaadiniintoodoo kale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 October 2017 – Madaxweynaha Yemen Cabdi Rabu Mansuur Haadi oo ka hadlaye Xaaladda dadka Yemen ku barakacay ee Isugu jira Yeminiyiinta iyo Soomaalida ayaa sheegay in uu ugu horeyn kaga tacsiyeenayo Dhibooyinka sababay in ay barakacaan.

Madaxweyne Haadi ayaa sheegay in Dadka Yeminiyiinta ay marti geliyeen Qaxootiga Soomaalid ee Yemen u qaxatay waqtiyadadii dagaalada Sokeeye Soomaaliya ay ka socdeen.

Waxa uu sheegay in dadka soomaalida ee xanuunada lasoo darso loo daweeyo sida kuwa Muwaadiniinta ah ee Yemen, Noloshada iyo Shaqadane ay wadaagaan sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay intii lagu guda jiray Shir shalay ka dhacay Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga, loogana hadlaye Barakacayaasha iyo Qaxootiga Yemen ku sugan oo Soomaalida ay kamid tahay in uu si Gaar ah ugu hadlay sidii dadkaa wax loogu qaban lahaa.

Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan ee loosoo gaabiyo (UNHCR) Filippo Grandi, uu u sheegay in uu si dhab ah ugu istaago wax u qabashada Yemeniyiinta iyo Soomaalida iyadoo aanan lakala sooceen.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uuna hogaaminayo Filippo Grandi oo ah wakiilka sare ee UNHCR ay socdaal qiimeyn ah ku tagayaan Caasimadda Sida Kumeel Gaar ah ee Dowladiisa ugu shaqeyso ee Cadan.

Safarkaas ayuu ku tilmaamay in loogu guur galayo ogaanshiyaha Xaaladda Nololeed ee Dadka Yemen iyo kuwa Soomaalida ee kunool Magaada Cadan, gaar ahaan dadkii ugu dambeeyey ee kasoo barakacay Magaalada Sanca oo ah Caasimadda Yemen iyo Magaalooyinka kale ee Dagaalada ay ka socdaan.

Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA ayaa laga soo xigtay in Bisha December ay wafdigaasi kahor tagayaan Magaalada Cadan, si qiimeen loogu sameeyo Xaaladaha Bani aadamnimo ee Yemen ka jira, si gurmad dadkaa loogu raadiyo.

Yemen waxaa ku barakacay Soomaali fara badan, kuwaa oo taniyo 1991-kii dalkaa kusii qul-qulaye, si lamid ah Soomaaliya waxaa kusoo barakacay intii udhaxeysay 2015-kii ilaa 2016-kii Qaxooti fara badan oo kasoo barakacay Colaadda ka taagan wadanka Yemen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment