3759 Views

Sawiro:- Dowlada Turkiga oo fulineysa mashariicdii uu balan qaaday Madaxweyne Erdogan

Sawiro:- Dowlada Turkiga oo fulineysa mashariicdii uu balan qaaday Madaxweyne Erdogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 October 2017 – Mudane Eng Sadaq Abdullahi Abdi Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhismayaasha guryihii dawladda Turkigu balan qaaday inay Muqdisho ka hirgalinayso qorshahoodu marayo meel fiican.

Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiirka iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa si diiran loogu Soo dhoweeye Magaalada Ankara iyo Antalya.

Barnaamij lagu soo Bandhigaaye Horumarinta Qalabka Technlogiyada Dhismaha taas oo ah Somalia fursad aad u wanaagsan ayaa usoo gudbey Magaalada Caasimada ah ayaa uga sii gudbay Magaalada Caasimada ah ee Ankara halkaas oo kulama kale kula yeeshey Wasiirka Ganacsiga iyo Cashuurah, Hay’adda Horumarinta ee TIKA, Wasaarada Waxbarashada iyo tan Arimaha Dibada.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u Dhiska Soomaaliya ayaa xooga ku saarey Masuuliyiinta Dowlada Turkiga sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Dib Dhiska Dalka taas oo horey u balan qaadey Madaxweyne Erdogan.

Eng. Sadaq Abdullahi Wasiirka Hawlaha Guud, dib u Dhiska ayaa sheegay in dawladda Turkiga iyo hay’adaha shacabka Turkigu ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u kabashada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Casguuraha Turkiga ayaa sidoo kale xusey in mar walbaa ay garab taagnaan doonaan Shacabka Soomaaliyeed ilaa ay ka gaaraan awoodii ay lahaan jireen ee Qaarada Afrika iyo Mida dunida.

Sidoo Kale Wasiirka ayaa ku dhiira geliyey Ganacsatada Turkiga in ay Malgashi ku sameystaan taas oo ay aad u soo dhoweeyeen ganacsatada Dowlada Turkiga.

Waxaa la diyaariye Gudigii shaqo ee fulinta Mashaariicda 10,000(kun) guri ee laga dhisaayo Soomaaliya kuwaas oo goor dhow iman doona Soomaaliya.

Eng: Sadaq ayaa markii loo Dhiibey Wasaarada wuxuu muhimadiisa kuwood ka dhigey sidii Mashaariicdaas loo fulin lahaa.

Inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga laga leeyahay iyo mas’uuliyiinta Dowladda,kuwaasi oo kala hadlayo sidii Wasiiraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah Wadamada ugu horeeya oo taageerada la garabtagantahay Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in ay Muqdisho ka dhisi doonto ilaa 10,000kun oo guryo Casri ah taas oo ka qeyb qaadan doonta Hormarka Dhaqaale iyo Bilicsimada Dalka Somalia.

Dowlada Rey’isul Wasaare Kheyre ayaa Mudo kooban ku xaqiijisey howlihii loo xilsaarey iyadoo Wasiir Walbaa lagula Xisaabta waxqabadkiisa taas oo ka muuqata habka ay u shaqeeyaan, ayagoo raacayaa Baaqii Madaxweyn Mohamed Abdullahi Farmojo ee Nabad Iyo NoloL.

Dowlada Turkiga waa Dowlada keliya ee Mashaariic Horumarineed oo waa weyn ka fulisey Somaaliya ka dib Booqadashii Erdogan Augusto 2011 taas oo ay ka mid ahaayeen Dhismaha Airporka, Wadooyinka, Dhismaha Xarunta Duulista Hawada iyo Iskuulkii duulimaadka taas oo ay usoodhameystirtey Qalabkaa Casriga ahaa iyo Maclimiintii bari lahaa Duulimaadyada, Waxbarashada, Isbitaalkii Casriga ahaa Erdogan, Xarunta Golah Sare, Dhismaha Xurnta Ciidamada ee uga weyneyd Afrika, Qalabeynta Dekeda iyo Horumarinta.

A1 A2 A3 A4 A5

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment