3654 Views

Shabaab Oo Ciidanka Kenya Kala wareegay Saanad Ciidan

Shabaab Oo Ciidanka Kenya Kala wareegay Saanad Ciidan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 October 2017 – Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa xalay la wareegay gaari xamuul ahaa oo saad iyo sahayba u siday Ciidanka Militariga Kenya, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika.

Kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya oo shalay ka yimid dhinaca xuduuda Kenya, kuna wajahnaa Deegaanka Buusaar, oo 40km u jira Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa uu Gelinkii danbe ee Shalay roob xoogan uu ku hakiyay Deegaanka Budada, oo 5km u jira Ceelwaaq.

Waxa Ciidanka Kenya wadada ku xanibay, ayaa waxaa lagu sheegay, iyadoo laba ka mid ah kolonyadooda oo saad iyo sahayba waday, ay dhex fariisteen wadada, taasoo keentay in ciidankii ilaalinayay ay iyaguna halkaasi kula nagaadaan.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Xalay ay weerar ku soo qaadeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, iyagoona goobtaasi ka jiitay mid ka mid ah gaadiidkaasi. Ciidanka Kenya waxaa la soo sheegaya in ay awoodi kari waayeen in gaariga ay ka difaacdaan Shabaabka.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in gaarigaasi uu waday dareys ciidan, rasaas, raashiin iyo weliba dawo, waxaana la hadalhaya in Shabaabku ay ula dhaqaaqeen dhinaca wadada aadda Faa-faaxdhuun.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa Mustaqbal u sheegay in roob mahiigan uu Shalay Galab ilaa Xalay ka da’ayay Deegaanka Budada, isla-markaana ay taasi Shabaabka ka caawisay inay Ciidanka Kenya ka fara maroojiyaan gaarigaasi.

Shabaabka oo dagaal adag kula jira Ciidanka Kenya, ayaa si joogto ahi ugu weerara deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment