2841 Views

Warar kala duwan oo laga helayo is casilaadii Wasiirkii Difaaca iyo Taliyaha Ciidamada

Warar kala duwan oo laga helayo is casilaadii Wasiirkii Difaaca iyo Taliyaha Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 October 2017 –Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is casilaadii shalay ay sameeyeen Wasiirkii Difaaca C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo is casilaadooda ay banaanka u soo saartay waxyaabo badan oo qarsoonaa.

Ilo wareedyo ay heshay Qaranimo.com ayaa sheegaya in labadan Mas’uul is casilay ay markii horeba u dhaxeysay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysay iyo arrimo kale oo farsamo oo la xiriiray howlaha ciidamada.

Inkastoo is casilaada Taliyaha ay aheyd mid muddooyinkan aad loo hadal hayay, hadana is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa noqotay mid lama filaan ah oo dhalisay su’aalo fara badan.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Cirfiid ayaa la sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay u dhaxeysay kala aragti duwanaan ka dhashay dib u habeynta mushaarka ciidamada iyo xaalado kale oo ka dhashay dhacdadii Bariire oo uu Taliyaha uga hadlay si ka duwan sidii Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda uga hadleen dhacdadaas lagu laayay dad beeraley ahaa.

Arrimaha ugu weyn ee ismaandhaafka uu ka jiray ayaa ahaa mushaaraadka ciidamada oo aan muddo saddex bilood la bixin iyo qaabka loo bixinayo, waxaana jiray aragtiyo kala duwan oo la xiriiriyay qaabka mushaar bixinta, waxaana jiray qorshe ah in askarta mushaarkooda uga dhacdo Akoon Banki, hase ahaatee saraakiisha ciidamada ayaa diidanaa arrintan, maadaama askari aag dagaal ku jira aanay u fududeyn in lacagtiisa mushaarka uu ka qaato Banki.

Sidoo kale arrinta kale ee jirtay ayaa aheyd wada shaqeyn xumo Taliyaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo dhowr jeer isku dhaceen, Taliyaha ayaa aaminsanaa inuu si toos ah u hoostagayo Madaxweynaha, xilka Wasiirkana uu yahay xil siyaasadeed.

Wasiirkii Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa isna la sheegay inuu in muddo ah uusan ku qanacsaneyn howlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo faragelin lagu hayay, isla markaana Madaxtooyada iyo xubno kale ay howshiisa faraha kula jireen.

Madaxda dowladda ayaa la sheegay in Wasiirka iyo Taliyaha ay culeys ku saareen inay is casilaan, maadaama labadooda ay wada shaqeyn waayeen, isla markaana ay jireen cabasho ka timid dhanka dalalka taageera Ciidamada, sida Mareykanka.

Waxaa soo baxaya xaalado kale oo lagu sababeynayo is casilaada Wasiirkii Gaashaandhigga, waxaana jira warar sheegaya in loo wado xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, maadaama Shariifka ay xilligan ku furan yihiin mowjado, isla markaana uu Mr C/rashiid noqon karo ninka ay Madaxtooyada u aragto inuu booskaas lagu aamini karo.

Dhinaca kale C/rashiid C/llaahi ayaa lagu wadaa in maanta kulan qado uu la qaato Xildhibaanada iyo Senatorada ka soo jeeda Koofur Galbeed, si uu ugu warbixiyo sababihii uu xilka isaga casilay.

Is casilaada Wasiirkii gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada ayaa laga yaabaa inay saameyso dhinacyo kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha kale ee ciidamada, marka loo eego saan saanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment