2334 Views

Booliiska Somaliland Oo Sheegay In Ay Xireen Dad ay Ku eedeeyeen in ay Gubayeen Basas.

Booliiska Somaliland Oo Sheegay In Ay Xireen Dad ay Ku eedeeyeen in ay Gubayeen Basas.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 – Kooxo Xiliyadii habeenkii Guba basaska dadweynaha ee Magaalada Hargeysa ayaa sii kordhaye, Ciiidamada Booliiska Somaliland waxay sameeyeen howlgalo ay kusoo qab qabanayaan shaqsiyaadka falkaas ka dambeeya.

Tiro Basas ah ayaa dad lagu qabad siiyey Magaalada Hargeysa waqtiyo kala duwan, Milkiilayaasha basaska ayaa Ciidamada Booliiska ka dalbaday in ay jawaab ka siiyaan waxyaabaha sababay in Basaskooda qabka la qabadsiiyo.

Saacadihii lasoo dhaafay Howlgalo Ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland ay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa waxay Gacanta kusoo dhigeen 9-qof oo ay sheegeen in ay xiligaasi gacmaha kula jireen fal ay ku Gubayeen Basas kale sida Booliisku uu sheegay.

Af-hayeenka Ciidamada Booliiska Somaliland Gaashaanle sare Feysal Xiis Cilmi oo warbaahinta Xili Dambe la hadlay ayaa sheegay in 9-ka Qof ay falkaan usoo qab-qabteen ay ka heleen xog ku saabtan in ay ka badan yihiin tirada ay Gacanta ku hayaan Booliiska, balse Baaritaano ay ku hayaan inta kale si ay iyane usoo xiraan.

Af-hayeenka ayaa falalkaan Gubista Basaska ah ku sheegay mid ugub ku ah deegaanada Somaliland, waxa uuna sheegay in Ciqaab adag la marsiin doono 9-qof iyo dadka kale ay ku raad joogaan, maadaama uu sheegay in ay gubeen Basas ay leeyihiin Dad Ganacsato ah sida uu sheegay.

Milkiilayaasha Basaska Dadweynaha ee Magaalada Hargeysa ayaa Gudbiyey Ashtako ka dhan ah Falalka lagu bartilmaameedsanayo Basaskooda, waxayna ku baaqeen in baaritaano dheeraad ah ay Sameeyaan Booliiska, si ay u ogaadaan waxyaabaha sababay in Basaskooda la gubo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment