3867 Views

Daawo Sawiro :-Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dabkii Ka Kacay Cadaado

Daawo  Sawiro :-Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dabkii Ka Kacay Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 – Kaalin Shidaal oo ku taalla bartamaha Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka soconaya dab aan la ogeyn waxa sababay,iyada oo goobta lagu kala cararay.

Sidoo kale Dabka ayaa saameeyay Maqaayado laga cunteeyo oo ku yaalla Agagaarka Kalainka SHidaalka ee gubanaya waxaana halakas ku kala cararay dadkii ku sugnaa Maqaayadaha ka agdhaw Kaalinka shidaal ee Gubaya.

Qof ku sugan magaalada Cadaado ayaa u sheegay Qaranimo Online  in Dabka uu yahay wali mid socda oo aan lagu guuleysan damintiisa.

Waxaa socda gurmad lagu doonayo in dabkaas lagu demiyo,waxaana hadda goobta isugu tagay dadweyne isku dayaya in ay dabkaas damiyaan.

Ilaa hadda lama xaqiijin waxa uu ka dhashay dabka ka socda Magaalada Cadaado ee xarunta Kumeel Gaarka u ah Maamulka Galmudug.

La soco wixii soo kordha

111111111 5555555555555555 kkkkkkkkkk

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment