2766 Views

DEG-DEG:-R.Wasaare Kheyre Oo Balaya Agaasimayaasha Wasaaradaha Dalka

DEG-DEG:-R.Wasaare Kheyre Oo Balaya Agaasimayaasha Wasaaradaha Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saxiixay xeer faraya in dhamaan Agaasimayaasha Wasaarada Xukuumadda shaqada laga saaray.

Xeerkan uu saxiixay Ra’islawasaaraha ayaa dadka Rayidka ah fursad u siinaya in ay codsan karaan jagooyinkaas 26ka ah ee Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya.

Shir maanta ka dhacay xafiiska Ra’islawasaaraha ayaa xeerkan waxaa Ra’islawasaaraha u geeyay Wasiirka Haweenka,waxaana uu Ra’isalwasaaraha sheegay in 26-ka Boos ay codsan karaan dadka Rayidka ah iyaga oo codsiyadooda u diraya.

Guddi gaar ah oo uu guddoomiye u yahay Ra’isalwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa loo saaray arrintaas,waxaana sidoo kale madasha joogay qaar ka mid ah Agaasimayaasha xilka laga qaaday.

Arrintan waxaa ay saameyn taban ku yeelaneysaa Hanaanka awood qeybsiga Soomaalida ee 4.5 oo xitaa saameynayay Xilalka agaasimayaasha Wasaaradaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment