2595 Views

Golaha Shacabka Oo ansixiyay Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista

Golaha Shacabka Oo ansixiyay Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay heshiiska isdhaafisga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya ay horay u kala saxiixdeen.

Kulanka Golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 161 Xildhibaan,waxaana codkii la geliyay muujisay in 161 Xildhibaan ee kulanka fadhiday haa ugu codeeyeen islamarkaana aysan jirin,Xildhibaan diiday ama ka aamusay heshiiskan.

Heshiiska Isu celinta Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya waxaa uu fududeynayaa in Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xir xiran Dalka Hindiya ee Xukuman ay xukunkooda ku dhameysan karaan gudaha Soomaaliya lana soo celinayo.

Bilihii July iyo August ee Sanadkan dowladda Hindiya waxaa ay Maxkamadeyneysay Dhallinyaro Soomaali ah oo ku eedeysan burcad badeednimo kuwaas oo muddo ku dhow 7 Sano Xabsiyada Hindiya ku jiray iyaga oo aan xukunneyn.

Isla xilligaas Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa booqasho ku tagay hindiya kuwaas oo dowladda Hindiya la soo saxiixday heshiiska isu celinta Maxaabiista ee maanta ay ansixiyeen Golaha shacabka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment