2163 Views

Guddigii loo Saaray Baaritaanka Kiiskii Qalbi Dhagax oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay

Guddigii loo Saaray Baaritaanka Kiiskii Qalbi Dhagax oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Warar laga helay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegaya in muddo kordhin loo sameeyay Guddigii loo xil saaray baaritaanka Kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax.

Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa lagu waday in 10-kii bishan ay Warbixin ka keenaan baaritaankii ay ku sameeyeen kiiska, balse dib ayay u dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in muddo bil loogu kordhiyay inay sii wadaan baaritaanka oo ay macluumaad rasmi ah u keenaan Guddoonka Baarlamaanka.

Ilo ku dhow dhow Guddiga ayaa sheegay in dib u dhacyo ay ku yimaadeen kulamada ay yeelan lahaayeen todobaadyadii u dambeeyay, taasna ay sababtay inay macluumaad dhameystiran ay ku hor-geyn waayeen Guddoonka Golaha shacabka

Baaritaanka Kiiskan ayaa kala ah qaraarkii ay Xukuumadda gaaraty 6-dii bishii September iyo in wax laga weydiiyo hey’adaha ay quseyso arrintan.

Dhamaadkii bishii August ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay dowladda Itoobiya C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF.

Dad badan ayaa isha ku haya Kiiskii Qalbi Dhagax iyo halka uu ku dambeyn doonto, marka ay soo dhamaato baaritaanka Guddiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment