3501 Views

Qalbi-gariir ka dib, maxaa noo qumman ?

Qalbi-gariir ka dib, maxaa noo qumman  ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Innaa Lilaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, waa Musiibo Qaran waxa dhacay, magarankaro Erayo aan Ku cabbirwaxa Ka guuxaya Qalbigayga.

kaliya waxaan kusoo koobayaa, dhawr fariimood.

1-Walaalayaal aan Allaah isku xirno oo si dhab ah u toowbadkeeno, Shuhadada aan u ducayno, Dhaawacyada aan u gurmano, Ehelada aan u tacsiyayno.

2- waxaan leeyahay aan umidawno sidii aan uga bixilahayn Murugada iyo Mashaqada nuucaan ah, Xoog iyo Xikmadba, Walaalayaal Cadawgaan Nama Kala soocayo dhamaanteenna sidaan ayaan ugu xukumanahay, majirto wax danbe oo aan sugno, intaan Ka badan nooma noqoto, tani maaha mid noo qalanta.

3- walaalayaal, Caawa meelkasta oo aan joogno aan Allaah gacma u hoorsano, Quluubteenu waa gilgilanaysaa, Indhuhu weey Ilmaynayaan, Jirkuna waa Gariirayaa, Awoodda Rabbi aan hoos galno, isuna dullayno isaga, innaguna aan isticmaalno Awoodeena, iskuna kalsoonaano innagoo Allaah kaashanayna.

4- kuwa gaystay Xasuuqa, waxaan idin leeyahay “ogaada Addoomada aad sidaan ugasheen Allaahii abuurtay ee ay Caabudayeen in uu joogo idinkana Awood badanbadanyahay” Ogaada in ay jirto Maalin ay Dulmanayaashu idinku Qabsandoonaa Allaah hortiisa idinkoon lahayn Awood aad Ku inkirtaan” mid kalana aan idiin raaciyo “Ogaada in Shacabka Soomaaliyeed idinka soo haridoono, idinkana adkaandoono” marbaa dadbadan idiin dhagraaricinjireen balse Maanta way idin necebyihiin, si la mid ah kuwa badan oo idinka cabsanaya sidaana idiin qariya ayaa Ku dhiiranaya in ay idin sheegaan iskana kiin celiyaan maadaama aydnaan iyagii xitaa dhaafin waana dhamaadkiina”

5- Dhalinyarada Ku jira Cadawga mid baan leeyahay” haddii la idiin sheegay in aad Gaalo iyo Murtadiin ladiriraysaan, iswaydiiyaa yaa ah Gaalada iyo Murtadiinta? waydiiya kuwa idin qaldaya Cidda Galabta aad layseen, haddii xitaa la idin dhihijiray Shacabka looma socon ee Xarun udhaw ayaan usoconay, Maanta maxaa la idin leeyahay? Isgooyska Zoobe miyaa Xarun ahaa? haddii aadan u aqoonsanayn Gaalada iyo Murtadiinta Shacabka Soomaaliyeed, tan Maanta wax Ku qaata.

mmmmmmmmmmmmmmmmmmmmmmmm

markaan Eray Qoraba mid kale ayaa igu soo dhacaya, Gocashadu iga dhamaanmayso, Qoraalna kuma muujinkaro Murugada iyo Mashquulka ay igu abuurtay Musiibada, balse waxaan uga baxayaa markale aan isku dhiibno Allaah, Allaah Cidna ma dulmiyo ee Gacmaheenna waxeey faleen unbaa nagu dhacaya, waliba iyadoo qaarbadan la inaga cafiyay, xalkuna waa Tawbo iyo Ficil isla socda.

Alaah ha ina waafajiyo Xaqqa, Musiibadana ha inaga dulqaado.

Aaaaaaaamin.

bbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbb

 

 

W/Q:-Cabdiraxamaan Sheekh Yuusuf Al Cadaal

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment