3987 Views

Shariif Xasan Oo Gaaray Gobalka Caasimada Bakool

Shariif Xasan Oo Gaaray Gobalka  Caasimada Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 – SMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee gobolka Bakool , waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan maamulka Degmada Xudur iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo sidoo kale xildhibaano kasoo jeeda degmooyinka gobolka Bakool.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sababta uu u tagay Magaalada Xudur , waxaa lagu sheegay in ay tahay ka warqabida dadka kunool gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha ciidanka gobolka Bakool kala hadli doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ka jooggaan gobolka Bakool.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment