3204 Views

Sawiro:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60,Aad Oo Xukun Riday

Sawiro:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60,Aad Oo Xukun Riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 15 October 2017 –Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida qeybta 6o,aad ayaa Maanta xukuno kala duwan waxa ay ku riday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Ragga Maanta xukunka lagu riday oo gaaraya ilaa 11 Ruux ayaa waxaa ka mid ah rag lagu eedeeyay in ay Bambo Gacmeed ku tuureen Guriga taliyaha Saldhiga Booliiska Baydhabo Muqtaar Axmed Dugudow halka qaarkood dadkaas la fasaxay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60 aad G/Dhexe aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday raggaas kuwaas oo Magacyaooda ay kala yihiin.

1-Ibraahim Isaaq Cabdi 10 sano Oo Xabsi Ciidan Ah.
2-Siidow Boorow Cali 5 sano Oo Xabsi Ciidan Ah.
3-aadan axmed Maxamed 5 sano Oo Xabsi Ciidan Ah.
4-Nuur Cali Maxamed 5 sano Oo Xabsi Ciidan Ah.
5-Cusmaan Maxamed Baariyo 5 sano Oo Xabsi Ciidan Ah.
1-Nuur Muqtaar amiin Dib Ayaa Loo Dhigey Xukunkiisa.
2-Xasan Maxamed Macali Isaaq Dib Ayaa Loo Dhigey Xukunkiisa.
3-Macalin Mayow Maxamed Dib Ayaa Loo Dhigey Xukunkiisa.
1-Axmed Muqtaar Sh.Daahir Maxkamada Wey Fasaxdey Debi La’aan.
2-Cabdi Qeyraad Abshir Maxkamada Wey Fasaxdey Debi La’aan.
3-C/llaahi Maxamed c/Raxmaan Maxkamada Wey Fasaxdey Debi La’aan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada dadka la xukumay

c88 cc1 cc2 cc4 cc5 cc6 cc7 cc9

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment