2280 Views

QM Oo Canbaaraysay Qarixii Ka Dhacay Muqdisho

QM Oo Canbaaraysay Qarixii Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 –Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya, isla markaana ay ku dhintaan dad ka badan labo boqol oo qof, kuna dhaawacmaan illaa saddex boqol oo ruux.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay la murugoonayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna tacsi u direen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in ficilada argagixiso ay qatar ku tahay nabadgelyada iyo ammaanka Caalamka.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weerarkan ama kuwii dhaqaale ku maalgeliyay.

Ugu dambeyn Golaha ammaanka aya asheegay in si dhow ula shaqeyn doono dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment