3873 Views

SAWIRO:- Jabuuti oo diyaarad Gargaar Caafimaad sida iyo dhaqaatiir u soo dirtay Muqdisho

SAWIRO:- Jabuuti oo diyaarad Gargaar Caafimaad sida iyo dhaqaatiir u soo dirtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 – Dowladda Jabuuti ayaa diyaarad gargaar oo caafimaad sida u soo dirtay magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dadka faraha badnaa ku dhamaadeen ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Safiirka Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Amb. Aadan Hassan Aadan oo la hadlayay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in Diyaarad shixnad daawo sida oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti ay ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa sheegay in Wasiirka ay la socdaan illaa 25 dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo qeyb ka noqonaya gurmadka iyo samata bixinta dadka ay xaaladooda liidato.

Waxaa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay aad uga xun yihiin wixii dhacay.

Turkiga ayaa noqday dalkii u horeeyay ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana diyaarado caafimaad iyo kuwa Milateri u direen magaalada Muqdisho, si ay dhaawacyada aadka u liita u soo qaadaan.

Ku dhowaad afartameeyo dhaawacyo ah ayaa loo qaaday dalka Turkiga, kuwaasoo ahaa dadka xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay.

z222 z1111 z7777 z8888 z9999 z33333 z44444 z55555 z5555555 z66666666 z99999999999

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment