2358 Views

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo Soo Gaaray Muqdisho

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo Soo Gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 –Goor dhoweyd, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sida wefdi uu hoggaaminayo wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay kamid yihiin dhakhaatiir ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaaana xiga oo daqiiqado ka dib la filayaa diyaarad kale kuwaas oo ah gurmadka dowladda Turkiga ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi isla markaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wariyaha warbaahinta qaranka, Nasra Bashiir oo garoonka Aadan Cadde ku sugan ayaa soo sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khaye uu kamid yahay mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wefdiga ka imid dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii bahalnimo ee ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment