2283 Views

Diyaarado Xalay Duqeyn ka Geystay Sh.hoose

Diyaarado Xalay Duqeyn ka Geystay Sh.hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  17 Oktoobar 2017 – Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose iyada o khasaare isugu jira dhiasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaas.

Qof ka mid ah Dadka degaanka ayaa u sheegay IQaranimo Online  in la beegsaday Gaari ay wateen rag ka tirsan Al-shabaab isamarkaana gaarigaaskaliya uu ka badbaaday wadihii gaariga oo lugahiisa ku baxsaday.

Waxaa uu gobjoogaha intaas ku daray in 4 Qof oo shacab ah oo weerarkaas ku dhaawacmay ay saaka keeneen Magaalada  Muqdisho,kuwaas oo isla xalay ku hoyday Degmada Afgoye.

Waxaa uu sheegay in dadka rayidka ah ay ka kobanyihiin labo Carruur ah,Haweeney iyo Qof rayid ah,kuwaaas oo xilliga weerarka ku sugnaa guri ay ku leeyihiin goobta uu weerarka ka dhacay.

Weerarkan waa kii ugu horreeyay ee Bishan October laga wariyo gudaha Soomaaliya,waxaana uu u soo beegmayaa iyada oo 14kii Bishan weerar ka dhacay Muqdisho oo qarax loo adeegsaday ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo Qof.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment