3192 Views

Sawirro:- Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo booqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho ee lagu daweynayo dalkaas

Sawirro:- Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo booqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho ee lagu daweynayo dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 – Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga, Axmed Demirikan waxa uu maanta soo booqday dhowr Isbitaal oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ankara  oo lagu daawaynayo Dhibanayaashii ku dhaawacmay Qarixii bilowgii bishan ka dhacay magaalladda Muqdisho.

36 Bukaan oo ku dhaawacmay qaraxaasi oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaaladda Polatli, Numune iyo Gulhane hospitals oo ku yaalla nawaaxiga magaalladda Ankara.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga,oo Suxufiyiinta maanta kula hadlay Isbitaalka Numane hospitalayaa sheegay inay Dhibanayaasha helayaan Daawaeynta lama huraanka ah.“necessary treatment

Isbitaalka Tabaraka iyo Cilmi-baarista ee Ankara Numune Training and Research Hospital waxa uu mid yahay Xarumaha Caafimaad ee ugu wanaagsan dalka Turkiga.

“Turkiga waxay qaaday Waajibaadka Samafalka ee saaran iyo inay  bixiso Daaweynta lama huraanka ah” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka ee Turkiga oo shalay ka soo laabtay Booqasho shaqo oo uu ku yimid magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee Hurmad Caafimaad la soo gaara dadkii ku dhaawacmay qaraxii Sabtigii hore ka dhacay Muqdisho, oo ay in ka badan 300 qof ku geeriyootay.

Dowladda iyo Ururka Bisha Cas ee Turkiga waxay Daawooyin, Qalab Caafimaad, Bustayaal iyo Teendhooyin soo gaarsiiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalladda Muqdisho.

z1 z2

f1

.

Vigasho: ANADOLU NEWS AGENCY

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment