3558 Views

Dhaawaci Dowladda Qatar ay ku daadisay Sudan oo an waxba loo qaban ila hadda

Dhaawaci Dowladda Qatar ay ku daadisay Sudan oo an waxba loo qaban ila hadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 18 October 2017 – Waxaa la yaab leh ficilka Dowladda Qatar ay kula kacday dadki ku waxyeeloobay qaraxi ka dhacay magalada Muqdisho, gaar ahaan Xafadda Zope ama Km 5.

Dowladda Qatar laga ma filaynin in dadka ay qaaday oo ay ahayd in ay Doha geeyso, ku daadinayso magaalda Khartuum; taasina waa wax an laga malaysaneeyn in ay Qatar ku kacayso arrin sidaas u foolxun.

Shacbiga soomaliyeed inti maqashay, afka ay gacanta sareen ayaga oo la yaaban sida wax u dhaceen.

Dhakhtarad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa Cisbitaalka lageeyay dhaaca oo aan la hadalnay waxa ay inoo sheegtay in xaalada dhaawaca ay tahay mid aan daryeel iyo kawarqab midna aysan heysan –

Waxa soo baxday in 29 qofood ay dayac iyo darxumo meel an haboonayn cawa jiifaan, ayada oo wax loo qabtay haba yaratee aysan jirin!

Waxaa kale oo soo baxay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Khartum, oo ka gaabiyay shaqadiisa iyo masu’uliyadiisi, taas oo ahayd waajib asaga saaran. Safiirku sooma wargelinin Dowladda Soomaaliya, ee waxaa soo qayliyay Ardadi wax ka baraneeysay dalka Suudan, kuwaas oodul taagnay dhaawacooda.

Dhaqtarada waxay tiri… dhaawaca qaar waxay ku haboonyihiin in lagau xereeryo ICU ‘Intensive Care Unit’ maadaama dhaawacoodu uu yahay mid halis ah, laakiin waxa ay yaalaa irida hore ee cistbitaalka

Dowladihii la mid ahay, sida Turkiga, si sharaf leh ayeey u soo dhaweeyeen dhawaci ay qaadeen oo qarkood cisbitaallo gaar ah iyo dhaqatiir logu diyaariyay ka hor inta an dayaradaha caga dhigan garoonkooda.

Shacbiga Soomaaliyeed aad ayey uga caroodeen ficilkaas diimoon, oo an laga filayn Dowlad muslinimo sheeganayso.

Sababta Qatar ay sidaa u yeeshay, lama garanaayo, balse waxaa la ogaaday in ay raad ku leedahay arinta isman-dhaaf ah ee ka dhaxeeyso Dowladaha Khaliijka.

Waxan ka codsanayaa in Dowladda Soomaaliya ka hadasho arrintaas iyo sida qaabka darran oo dhawaceenni lola dhaqmay.

Waxad beryaan dambe soo baxayay, in Soomaaliya ay noqotay Kurtun Mugdi ku yaalla oo qof kastaba, ku hor dhabanayso.

22627420_1523851374374830_1227056592_n x5 x4 x3 x1

.

W/Q: Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment