3798 Views

Dhaawacyadii Qatar ay uqaaday Sudan Oo La Dhigay Isbitaal Ardada Lagu Tababaro.

Dhaawacyadii Qatar ay uqaaday Sudan Oo La Dhigay Isbitaal Ardada Lagu Tababaro.
____________________________________________________________________________

Khartuum  | QOL | 18 October 2017 –Wararka ka imanaya Magaalada Khartuum ee Caasimada Dalka Sudan ayaa sheegaya in dayac badan uu heysto Dadkii ku dhaawacmay qarixii 14-kii Bishan ka dhacay isgoyska Zoope ee Magaalada.

Dowladda Qatar ayaa Sudan uqaaday 29 Dhaawac ah iyadoona sheegtay iney bixineyso qarashaadka ku baxaya dhaawacyadaas iyo aeegyada ay ubaahdaan inta ay Isbitaalada kujiraan.

Dhaawacyada oo xaaladooda ay darantahay ayaa la dhigay Isbitaal ay ku tababartaan ardada dhameysata

Asad Cabdi Mukhtaar oo ah Injineer dhigtay Jaamacada AIU ee Magaalada Khartuum ayaa Qaranimo Online l usheegay in xiligan lagu jiro uu daranyahay kuleelka dalkaas, Dhaawacyadana aysan heli karin marooxado ay isku qaboojiyaan maadaama Qofka dhaawaca ah uusan u adkeysan karin wax yar oo kuleel ah.Maadada Caafimaadka oo lagu diyaariyo Isbitaalkan iyo kuwa Ajaanibta ah ee tababarka Caafimaad doonaya.

Waxa uu Asad inoo sheegay in dhaawacyada la dhigay Isbitaalka Mutamayiz Hosbital, Safaarada Somalida ee Sudanna aysan jirin wax talaabo ah ay qaaday si loola socdo xaalada dhaawacyada Somaliyed.

Dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha Sudan ayuu sheegay iney kulan ay yeesheen lacago isaga uruuriyeen oo ay doonayaan iney ku garab istaagaan Walaalohood ku soo dhaawacmay Qarixii xooganaa ee Zoope.

Dowladda Qatar ayaan wali ka hadlin xaalada ay ku suganyihiin Dhaawacyadaas ay dalkooda uga qaaday Diyaarad Milatari, waxa ay geysay Isbitaal aan dhaamin kuwii laga qaaday ee Magaalada Muqdisho.

 

x1 x2 x3 x4 x5

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Khartuum

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment