3021 Views

Madaxda Qaranka Oo Ka Qaybgalay Banaabax Boroordiiq ah Oo Goordhow Muqdisho Ka Dhacay

Madaxda Qaranka Oo Ka Qaybgalay Banaabax Boroordiiq ah Oo Goordhow Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 October 2017 –Madaxda Qaranka oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Gobolka Thaabit Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale ayaa maanta ka qeyb galay Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Banaadir Stadium.

Banaanbaxan balaraan oo sidoo kale  ay ka qeyb galeen kumanaan dadweyne oo u badnaa dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira, oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa mid looga soo horjeeday falkii naxariis darada ahaa ee 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe.

Banaanbaxayaasha oo Madaxyadooda ku soo xirtay Marooyin guduudan ayaa waxa ay socod ku tageen Garoonka Banaadir Stadium, iyaga oo intii ay socdeen Dhagaxeynayay Goobaha Ganacsi ee furan, qaarkoodna ay u geysteen khasaare hantiyadeed.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta gabi ahaanba xirnaa, waxaanan jirin isku socodka dadka shacabka ah, keliya wadooyinka waxaa isticmaalayay Gaadiidka Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxda Qaranka ayaa halkaasi khudbado looga hadlayay dhacdadii Isgoyska Zoobe waxay u jeediyeen dadweynaha Garoonka yimid, iyaga oo marka hore u duceeyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay Bahda Garsoorka in ay ka qeyb qaadanayaan gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeladu ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe, isaga oo dhanka kale sheegay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo wadajirka.

Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay Culimada iyo Fanaaniinta in looga baahan yahay in dhalinyarada ay u sameeyaan Barnaamijyo lagu baraarujiyo, si dalka loo xoreeyo, wuxuu kaloo sheegay Cabdi Xaashi Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada in ay muhiim tahay in gacmaha ay is qabsadaan, khilaafkana la dhameeyo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa marka hore shacabka ka codsaday in ay istaagaan, kadibna ay u wada duceeyaan dadkii ku dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe, taas bedelkeeda Khayre wuxuu sheegay in ay habaarayaan Shabaab.

“Waxaan codsanayaa inaan kuligeena istaagno oo aan u wada duceyno dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe, Alle ha u naxariisto, Alle janada haka waraabiyo, waxaan kaloo rabaa inaan habaarno Shabaab, Alle dhulka hala gooyo, Alle naarta haka waraabiyo, Alle ummadda haka qabto.” Ayuu yiri Khayre.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad dheer jeediyay ayaa marka hore caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe, wuxuuna shacabka ugu baaqay in hal meel ay uga soo wada jeestaan ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in la sameynayo Ciidanka Difaaca dadweynaha, qofwalba oo Soomaali ahna looga baahan yahay in qori uu qaato, si Shabaab loola dagaalamo, wuxuu kaloo tilmaamay dhacdadii Zoobe in ay u noqoto cashar lama ilaabaan ah oo ay ad adeeg ka qaadaan.

“Ciidanka Difaaca waxaa kow ka ah shaqaalaha Soomaaliyeed, shaqaalaha rayidka, idinka shacabka Soomaaliyeed, qof walba waa in  uu qeyb ka qaato difaaca dadweynaha, hadaynan is difaacin Shabaab haday soo galayaan.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa mar kale yiri “AMISOM way mahadsan yihiin intii Askariga Afirkanka ah wadadnka u dhimanaya adiga maxaad sameyneysaa, adiga miyaa lagu difaacaa, maya maya anagaa is difaaceyna, Hooyooyinkeen iyo gabdhaheena waa inaan difaacanaa, halaisku diyaariyo difaaca dalka.”

cc1 cc2 cc3 cc4 cc5 cc6

cc8 cc9 cc10 cc11. cc12 cc13 cc14 cc15 cc16

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment